Wakaalada wararka ee anadolu ee laga leeyahay dalka terkiga ayaa waxa ay sheegtay in dowlada turkiga ay tababar siin doonto ciidamada dalka Kenya si ay ugu hortagaan dambiyada iyo ladagaalanka Argagaxisada sida Xoogaga AL-shabaab waa sida lagu shegay war kasoo baxay dowlada dalkaasi turkiga.
Wufuud heer caalami ah oo kasocda dalka turkiga ayaa kulan kula qaatay dalka Kenya saraakiisha ciidamda dalka Kenya iyagoo kawada hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay ladagaalanka Xarakada AL-shabab iyo sidii loga hor tagi lahaa weerarada ay mararka qaar kusoo qaadaan dalkaasi Kenya iyo dilalka loo geysto Macalimiinta Masiixiyiinta ee wax kabaraha schoolada kuyaalla waqooyi bari dalkaasi.
Emre Yuksek oo ah isku duwaha dowlada Kenya iyo turkiga kana shaqeeya hay’ada Tika kaa oo lahadlay wakaalada wararka ee dalkaasi turkiga ee anadool ayaa carabaabay in tani ay tahay hor mar wanagsan isla markaana wax badan ay kabadali donto dhanka amniga Kenya iyo ladagaalanka Xarakada AL-shabab.
Wafdiga kasocda dalka turkiga ayaa mudo afar maalin ah joogi doono dalkaasi Kenya kuwa oo booqasho kutagi doono xarumo dhowr ah oo ciidamada boliceka dalka Kenya ayku leeyihiin guud ahaan dalkaasi si ay u qiimeeyaan xaaladaha guud ee xarumahaasi iyo dhanka hormarka ee ladoonayao in ayka gaaraan ciidankaasi qatarta argagaxidsada iyo ladagaalanka dadka dambiyada kagala dalkaasi Kenya
Afahayeen uhadlay ciidamamada boliceka dalka Kenya ayaa sheegay in tababar kani lasiinayo ciidamada boliceka dalka Kenya ay tahay arin wanagsan isla markaana wax badan ayka badali doonto arimaha amniga iyo dhanka sirdoonka Kenya iyo dagaalka lagula jiro AlQaacidda Soomaaliya ee AL-shabaab.
Dhawaan ayey aheyd markii safiirada dalalka Kenya iyo turkiga ay gaareen hishiis labo geesood ah kaa oo udhaxeeya labada dal iyo sidii xooga loo saari lahaa arimaha amniga ee dalka Kenya iyo qatarta Dagaalyahanada AlQaacidda ee Soomaaliya AL-shabaab.
Xarakada AL-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar kuqaaday dalka Kenya iyadoona mararka qaar ay weeraraan kolonyo ay leeyihiin ciidmada booliska dalka Kenya halkaas oo dagaal kudhaxmaro isla markaana uu kadhasho qasaaro labada dhinac ah.

