Faah-faahin:-Kooxo Hubeysnaa oo Dil Ka Geystay Gudaha Suuqa Bakaaraha

0

Kooxo hubeysnaa ayaa duhurnimadii maanta waxa ay dil ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan suuqa Bakaaraha, dilka ayaa ka dhacay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga waxa uu ahaa qofka la dilay, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilka.

Dilka kadib waxaa gaaray goobta Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya oo baaritaan halkaas ka sameeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here