Shir looga hadlayo arimaha amniga guud ee Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka furmay magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.
Wariye ku sugan hoolka uu ka socdo shirka ayaa waxuu uu Simba u xaqiijiyay inuu saacado ka hor shirka ka furmay magaalada Garoowe, wariyaha ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey uu shir gudoominayo, shirka looga hadlayo ammaanka guud ee dalka gaar ahana gobalada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Waxuu socon doonaa shirka maalmo kooban waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socda wasaaradaha Amniga ee dowladda dhaxe iyo kuwa maamul goboleedyada Dalka.
Masuuliyiinta ka qeyb galaya shirka ayaa waxaa ugu cad cad wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya,Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiirada Amniga maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya, iyo qubaro soomaali iyo Ajaanib isugu jiro oo ku xeel dheer arimaha Amniga.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Amaanka guud ee Soomaaliya ee iminka waxa uu yahay iyo sidii looga hor tagi lahaa oo la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Xogaga Alqaacidda ee Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga Puntland ee shirkaan marti-gelinaysa aya kusoo bandhigi doonta xaalada amni ee uu marayo deegaanada maaamulka, halka wasiiradda kale ee amniga kana socda maamul gobaleedyada Soomaaliya ay soo badhigi doonaan talooyin amniga quseeya iyo qaabka looga hor tagi karo weerarada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Xogaga Al-shabaab ay inta badan ka fuliyaan gobalada Soomaaliya.

