Wargeyska de Washiton Bost ee kasoo baxa dalka Marekana ayaa daabacay warbixin dheer oo uu kaga hadlay qatarta baahsan oo Ururada Xagjiriinta ah ay ku hayaan qaarada Africa waa sida lagu sheegay warbixin dheer oo uu daabacay Wargeyska de Washiton Bost ee dalka Marekanka kasoo baxa
Maj. Gen marcus oo ah taliyaha ciidamada howgalada Africa u qaabilsan qaarada Africa ee kasocda dalka Mareykanka oo wareysi siiyay wargeyska ayaa waxaa uu sheegay in kooxha isis iyo bokoharam iyo Al-shabaab ka soomaaliya ay dhamaan Ururadaasi ay Qatar weyn kuhayaan guud ahaan qaarada Africa hadii aanan wax laga qabana ay Qatar kunoqon doonaan gud ahaan caalamka .
“waxaan aad ugu walaac sannahay cabsida iyo qatarta kooxahaasi ay kuhayan dalalka qaarada Africa iyo afduubka baahsan ay ugeeystaan dadka kunool wadamadaasi ka hooseeya saxaraha qaarada Africa iyo sidoo kale dadka cadaanka ah ee ka imaanaya dalalka yurub kuwaa oo mararka qaar afduub ay kula kacaan Ururadaasi isla markaana dowladihii ay kasoo jeedeen weydiista lacago madax furasha ah”. waa sida uu sheegay taliyaha ciidamada howlgalada Africa uqaabilsan dalka Marekanka Maj. Gen marcus
Alqaacidada ugu weyn ee ka dagaalanta Soomaaliya waa Al-shabaab, kuwaa oo heysta dagaalyahano tiro ahaan lagu qiyaasay inta udhaxeesa 4,000 ilaa 6,000 oo ciidamo waaa sida uu sheegay taliyaha dhanka kale wada tashiyo aan lasameynay ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaan waxaan ugu baaqnay in ay kahortagaan qatarta Xarakada Al-shabaab, iyadoona dhowr jer oo hore la wadaagnay xoggo kusaabsan ururkaasi kuwaa oo doonayay in ay bartil maameed sadaan goobo muhiim ah, kadibna lagu guuleystay in lafashiliyo weeraradaasi qorsheysanaa.
Dhanka kale diyaaradaha Dronska ah oo aanu cidi wadin ee laga leeyahay dalka Marekanka ayaa dhowr jeer oo hore bartil maameed saday goobo ay kusugnaayeen hogaamiyayaal katirsan Xogaga Al-shabaab iyadoona gobahaas lagu dilay xubno muhiim u ahaa Ururkaasi, waa sida uu sheegay taliyaha Marekanka uqaabilsan howlgalada Qaarada Africa mr Maj.gen marcus.
Waxbixinta oo aad udher ayaa dhanka kale dowlada Soomaaliya looga digay in ay ka hortagaan weerarada Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab, ay ku qaadaan xarumaha ay leeyihiin Ciidamada dowlada iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom.

