
Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad cali shire ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta oo ku saabsanaa heshiiska DP World ee dekada Berbara.
Dr. Sacad cali shire ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo Baxay Imaaraadka ee sheegaya in Dawlada dhaxe ee Soomaaliya iyo Imaaraadka carabtu ay ka wada hadleen ka hor inta aan lagala hadlin Somaliland xiriirka maal gashi dekeda berbara, ay ku sameysaneyso shirkada ganacsiga ee DP World.
Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad ayaa sido kale sheegay xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, waxuu yiri heshiisyadda aynu galnay inaga iyo shirkada Dp World, aynan ka qayb aheydn cid kaloo sadaxaad, wararka sheegaya saxiixa dowladda Soomaaliya uu yahay mid abeen abuur ah, kaliya in Somaliland iyo Imaaraadka Carabta labadoodu kaligood ay sameysteen wada hadalka.
“Arrintaasi waa arrin iska cad, cid kale oo saddexaad oo awood u leh in ay heshiisyo la gasho amuuraha Somaliland horta ma jirto”. ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire .
Muranka ka dhashay heshiiska shirkada DP-wold ee Imaaraadka carabta ayaa noqday midka ugu hadal heynta badan sanadkan, iyadoo arinta heshiiskaasi ay sababtay Imaaraadka inuu kala baxo soomaaliya saraakiishii tababarayaasha ee ka joogay Magaalada Muqdisho, sido kale dowladda Soomaaliya ay sheegtay iney la wareegeyso dhamaan ciidamadii uu tababarka siin jiray Imaaraadka Carabta.
