Waxaa maanta magaalada Buula-Burte tababar loogu soo xiray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ururka 3-aad oo ka tirsan guutada shanaad ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda ee tababarka maanta loosoo xiray ayaa gaaraya ilaa 30 askari, kuwaa oo la baray sida looga hor tago qaraxyada farsameysan ee wadooyinka ay kula kulmaan iyo sida loo bur buri karo.
Tababarka oo ay bixinayeen ciidamo katirsan Amisom gaar ahaan ciidama dowladda Jabuuti, ayaa askartii ka qeyb aheyd tababarka waxaa la baray sida loo fur furo qaraxyada lala eegto masuuliyiinta iyo ciidamada Amisom kuwa maamulka Hirshabeelle oo inta badan la kulma qaraxyo dhulka lagu habeeyay.
Gudoomiyaha degmada Buula-Burte Cabdi Daahir Guure karoore ayaa sheegay in tababarkaan uu wax badan ka badali doono qaraxyada daran ee kaga imaan jiray Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Mudane karoore ayaa mahad celin balaarin hawada u mariyay ciidamada Amisom ee tababarkaasi fududeeyay, una sahlay in ciidamada ay wax badan ka fahmaan qaraxyada iyo ka hor tagooda.
Tababarka maanta u soo dhamaaday ciidamada ayaa laga dhuur sugayaa waxa iska badalo qaraxyada inta badan lagu farsameeyo dhulka ee ay Al-shabaab la beegsadaan Masuuliyiinta iyo askarta maamulka.






