Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo u Daabushay Gobalka Mudug (Ogow Sababta)

0

Wararka ka imaanaya deegaano iyo degmooyin katirsan gobalka mudug ayaa ku waramaya in halkaasi maanta ay  gaareen Cutubyo katirsan ciidamada Militariga dowladda soomaaliya .

Ciidamada maanta gaaray deegaanada gobalka mudug ayaa la sheegay iney isla maanta halkaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab oo ku sugan deegaano katirsan gobalka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Bacaad-weyne Maxamed Siciid Axmed oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in ciidamo fara badan ay u gudbeen deeganka Ceelhuur, halkaasi uu gudoomiyaha sheegay iney fariisimo ka sameyteen gudaha iyo duleedka deeganka Ceelhuur ee gobalka Mudug.

Sido kale xiriiro kala duwan oo Simba ay la sameysay Taliska ciidamada dowlada Qeybta 21 ayaa sheegay inuu jiro howlgalkaasi iminkana uu ka socdo Cammaara,Bacaad weyn iyo deegaanada kale ee hoos taga.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu howlgalka u socdo iyo sido kale tirada ciidamada halkaasi gaaray, wararka ayaa intaa ku daraya iminka xaalada iney degan tahay ciidamada faraha badan ee la sheegay in dowladda halkaasi ay u daabushayna, ay ku sugan yihiin fariisimo cusub oo ay dhisten .

Lama oga halka ay wax ku danbeyn doonaan, in ciidamada dowladda ay halkaasi isaga soo tagi doonaan iyo iney horay u socon doonaan oo ay howlgalo ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin kale oo hor leh.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa militariga ee maanta gaaray deegaana gobalka Mudug ayaa waxuu u jeedkoodu yahay sidi ay uga saari lahayeen Al-shabaab deegaanada ay maamulaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here