Deg Deg:- Gudoomiyahii Gobolka Hiiraan oo Xilka Laga Qaaday

0
Gudoomiyahii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan. Waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdulaahi Axmed Maalin Sufuroow oo noqon doona gudoomiyaha rasmiga ee gobalka hiiraan.

Idaacada Simba oo xiriiro la sameysay gudoomiyihii gobalka hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa suura galin kadib markii uu ka jawaabi wayay Taleefanadii uu watay ee aynu kala xiriirnay, si aan wax kaga weydino wareegtada xilkii gudoomiyaha gobalka hiiraan looga qaaday.

Ilaa iyo hada lama oga sababta xilka looga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Xiriiro Simba ay la sameysay Xarunta madaxtooyada Hirshabelle iyo xafiiska wasaarada arimaha gudaha maamulkasi ayaa xaqiijiyay jiritaanka wareegtada xilka looga qaaday gudoomiyahii gobalka Hiiraan jeyte.

Halka Hoose Ka Akhriso Wareegtada Xilka Qaadista Iyo Magacaabista

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here