Sida uu qoray wargeyska dailynation ee kasoo baxa magaalada neirobi ee dalkaasi Kenya in ugu yaraan 18,ooo oo qoys oo kunool xeryaha qaxootiga ee ifo 2 ay wajahayaan macluul aad udaran uyadoona dhanka kale roobabkii dhawaan kada ay xeryahaasi ay sababtay in qoysas badan aysan heesan guryo ay kagalaan dhaxanta iyo qabowga dhacaya habeenkii
Nimo Mahad Samatar iyo todobo caruur ah oo ay dhashay ayaa waxa ay sheegtay in 10 habeen inka badan ayku hoyanesay goob banaan ah kadib markii roobab xoog leh ay ka da’een xeryahaasi taas oo sababtay in gabi ahaanba roobabkaasi ay saameysay guryahii ayka daganaayeen xeryaha qaxootiga ee dadaab ee waqooyi bari dhulka soomaalida ee kenya.
Nimo mahad samtar ayaa dhanka kale sheegtay in roobabkaasi ay da ayeen afar maalin taasna ay keentay in gabi ahaanba uu saameyay guryahaasi.
IFO2 oo ayku nool yihiin inka badan 18,000 oo qoys ayaa haatan wajahaya dhibaato xoogan oo dhanka guryaha ah waa sida uu sheegay gudoomiyaha xeradaasi ali abdule ali
“Ma aan fahmin sababta ay hay ada UNHCR nooga rari ladahay xeradaan maadama ay no balan qaaday hay’adda in ay nooga dhiseyso guryo ifo1 mudo sadax bil kahor”. waa sida ay sheegtay nimo mahad samatar oo kamid ah qoysaska kunool xeradaasi ifo2 ee waqooyi bari dhulka soomaalida ee kenya.
Ugu yaraan 18,000 kun oo qoys kuwaa oo kunool xerada ifo2 ayaa wajahaya guryo la aan iyadoo ay usii dheer tahay macluusha daran ee kajirta xeradaasi iyadoona dhanka kale kudhawaad 2,ooo oo qoys ay u carareen xerada ifo1 iyo dhagaxleey bishii aynu kasoo gudubnay halkaasoo hay adda UNHCR ay usameysay guryo waa sida uu shegay gudoomiyaha xeradaas ali abdulle ali.
Badi dadka kunool xerada IFO2 ayaa ucarayay Kenya sandkii 2011 kadib abaartii kadhacday soomaaliya.

