Ciidama Amaanka Caabudwaaq oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Ul ku Dilay Wiil Dhalinyaro Ahaa

0

Ciidamada Amniga Galmudug ayaa gacanta Ku dhigay Nin Hubaysan oo dilka geystay Duleedka Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud halkaasi oo maalmihii danbe ay ka taagneyd Xiisad u dhexeysa Maleeshiyaadka Deegaanka ah.

Ciidamada Amniga Galmudug oo kaashanaya,dadka deegaanka ayaa gacanta ku soo dhigay nin ul ku dilay  wiil dhalinyaro ahaa ka dib Howlgal ay maanta ka sameeyeen duleedka degmada Caabudwaaq Waqooyiga Galgaduud.

Wasiir ku Xigeenka Amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inay Xabsiga Dhigeen ninkaan oo saacadihii la soo dhaafay ku dhuumaalaysanayey Waqooyiga Galgaduud waxaa uuna tilmaamay inay Cadaalada Marsiin doonaan.

Dilka uu ninkaan ayaa waxaa si aad ah maanta looga hadal hayaa deegaanada gobalka galgaduud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here