Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay Iney Gacanta Kusoo Dhigtay Rag Dil ka Geystay Muqdisho

0

Ciidama amaanka magaalada muqdisho ayaa soo bandhigay rag loo heysto iney ka danbeeyeen dil xalay degmada xamar weyne loogu geystay ganacsade kamid aha ganacsata xaafada koodka ee degmadaasi.

Kooxo ku bastoolado ku hubeysan ayaa xalay xaafada koodka ee degmada xamarweyne waxey ku dileen ruux magaciisa lagu soo koobay muuse mackoow oo kamid ahaa sida la sheegay ganacsata degmadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa warbaahinta u sheegay iney jiraan rag gacanta ay kusoo dhigeen ciidama amaanka kuwaa oo uu sheegay iney ka danbeeyeen ruux xalay lagu dilay gudaha degmada xamarweyne ee gobalka banaadir.

Saraakiisha laamaha amniga muqdisho oo xiriiro Simba ay la sameysay ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan cadadka rasmiga ee ragaasi gudoomiyaha sheegay iney gacanta ciidama amniga ku soo dhigeen.

Majirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada dilka ka dhacay gudaha magaalada muqdisho.

Gudaha degmada xamarweyne ayaa waxaa xalay kooxo hubeysan waxey dil ugu geysteen mid kamid ahaa sida dadka deegaanka ay sheegeen ganacsatada degmada xamarweyne ee gobalka banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here