Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa goordhaw gaaray magaalada dhuusamareeb ee caasimada rasmiga ee Galmudug.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka galmudug ayaa gudoomiyaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka galmudug.
Imaanshiyaha gudoomiyaha baarlamaanka galmudug Cali Gacal Casir, ayaa waxaa lagu wadaa in la guda gali doono soo dhisida xubnaha ku biiraya baarlamaanka galmudug ee lagu qeexay heshiiiskii Jabuuti ee ahlusunna iyo Galmudug ee kusoo dhamaaday is afgar wali dhameys tirkiisa uu socdo.
Xildhibaanada isku dhafka baarlamaanka maamulkaasi ayaa lagu wada iney meel mariyaan qodobadii heshiiskii la gaaray ku jiray ee ahaa, sida xubnaha aan horay dastuurka ugu jirin.

