Ciidamo Mareykan Ah oo Ka Dagay Garoonka Diyaaradaha Jowhar Iyo Dagaal Dhacay Magaaladaasi.

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhax maray ciidamo katirsan kuwa Militariyga Soomaaliya iyo ciidamadaa gaarka ee loo yaqaan baangaraafta ee uu mareykanka tababada siiyo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidama kumaandooska Soomaaliya ee mareykanka uu tababaray, iyaga iyo ciidamo kale oo military soomaali ah kala shaki uu soo kala dhax kalay, arintaasina ay sababtay in ciidamadii baangaraafta iyo kuwa militariga uu halkaasi ku dhax maray dagaal in muda ah soconayay.

Sababta isku dhaca ciidamadaan ayaa lagu sheegay iney timid kadib markii xili habeen ah ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, ciidamada gaarka ee Mareykanka oo ay wehlinayeen ciidamada kale oo ah kumaandooska soomaaliya, kuwaa oo aan ku war galin ciidamadii kale ee Militariga ahaa ee saldhigyada ku lahaa gudaha iyo duleedka magaalada Jowhar ee gobalka Sh/dhaxe.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya iney jiraan ciidamo gaaraya ilaa 4 askari oo ku geeriyootay dagaalkaasi, dhax maray ciidama mareykanka uu soo tababaray iyo ciidama militariga Soomaliya.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Simba u sheegay inuu jiro dagaal ku dhax maray deegaanka Xaansholey oo an sidaa kaga fogeyn garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, ciidamo taabacsan mareykanka iyo ciidama Militariga soomaaliya, kuwa oo ku dagalamay duleedka magaalada Jowhar.

Saraakiisha ayaa intaa raacisay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi ciidama dhax maray, uuna ku yimid kadib markii labada ciidan uu soo kala dhax galay kala shaki, sababay iney ciidamadu dagalamaan.

Laamaha caafimaadka magaalada jowhar oo Simba ay xiriiro la sameysay ayaa inoo sheegay iney jiraan askar katirsan Militariga Soomaliya oo la geeyay Isbitaalka Magaalada, iyaga qaba oo dhawacyo.

Isku dhaca ciidamadan ayaa kusoo aadaya xili maalin ka hor ciidamo katirsan Mareykan ay kusoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada jowhar, oo aan la garaneyn ujeedka ay halkaasi usoo caga dhigteen ciidama gaarka mareykanka oo ay wehlinayaan ciidamo kale oo katirsan kumaandooska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here