Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala eegtay ciidama katirsan kuwa dowladda soomaaliya gaar ahaan ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.
Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay in qarax lala eegtay ciidamo katirsan Nabad sugida oo ku sugnaa aaga deegaanka tareedisho lala beegsaday qarax, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.
Sarakaal katirsan ciidamada dowladda oo ku sugan duleedka muqdisho ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyay, inuusa jirin khasaare kasoo gaaray qaraxa lala eegtay ciidankii saldhiga ku lahaa deegaanka KM13.
Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi, sida ay ku baahiyeen warbaahinta afkooda ku hadasha, waxeyna sheegeen iney jiraan askar dhimasha iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xili maal mahii ugu danbeeyay Ciidama dowladda ee ku sugan deegaanka ay wadeen howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga, kuwaa oo ka sameynayay wadada dheer ee KM13.

