Mareykanka oo Liiska Aragixisada Ku Daray Hogaamiyaal ka Tirsan Al-shabaab “Akhriso Magacyada”

0

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay xukuumadda Washinton cuna-qabatayn kusoo rogtay Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi, kuwaasoo ay ku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga Muwaadiniinta Maraykanka, amniga Qaranka Maraykanka, siyaadadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa liiska aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan Sarakiisha Dagaalyahanada AlQaacidada Soomaaliya ee Xarakada Al-shabaaab.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku waxay u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxaana la sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee Xogaga Al-Shabab tan iyo Sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawl-gallado badan oo laga fuliyay gudaha Kenya, isagoo dejiyay qorshayaal ay ka mid yihiin weerarkii lagu qaaday askarta Kenya ee deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Sidoo  kala Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in Sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi,  iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab Saraakiisha dhanka Kenya, waxa kale oo loo aanaynayaa inuu ku lug lahaa weerraradii ay Dadka badan ku dhinteen ee 2014-ka ee lagu qaaday deegaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya, halkaasoo ciidamaii Shabaabka ahaa ee weeraray deegaanka ay halkaasi ku dileen dad gaarayay ilaa 60 ruux oo Kenyan ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here