DEG DEG: Al shabaab 30 Askari oo Itoobiyaan Ah Ayaan Ku Dilnay Gobalka Baay

0

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax  miino lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Militaryga dowladda Itoobiya oo marayay duleedka deegaanka Awdiinlle ee gobalka baay.

Goobjoogayaal ayaa  Radio Simba u sheegay in Kolonyo katirsan Ciidamda Itoopiya oo ka anba baxay magaalada baydhabo kuna sii jeeday dhanka degmada Bardaale ee gobalka Baay , lala eegtay qarax miino oo ah nuuca laga hago Remote Koontaroolka, balse aysan cadeyn Karin cadadka khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxaasi, lakin uu jiro waxyaalo soo gaartay gaariga qaraxa lala beeg saday.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxa miino ee lagu weeraray ciidamada Itoopiya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi, lakin aan la xaqiiji Karin inta uu gaarsiisan yahay khasaarahaasi.

War kasoo baxay Xarakada Al shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 30 Askari Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, Al Shabaab waxay xaqiijisay in gabi ahaanba uu burburay gaari Uuraal ah oo kamid ahaa kolonyo gadiid ay la socdeen askar katirsan kuwa militaryga Itoopiya.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka bay oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa sheegay inuu jiro qarax lala eegtay kolonyo ciidamo Itoopiya ah oo ka anba baxay magaalada baydhabo kuna sii jeeday dhanka degmada Bardaale ee gobalka Baay, lakin aysan ogeen khasaaraha soo gaaray askartaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qarax lala eegtay ciidamada Itoopiya ayaa sheegay in ciidamada qaraxa kadib ay furayeen rasaas xoogan oo ay ku diidan yihiin inusan qof shacabka ah ka soo ag dhawan.

Mudooyinkii ugu danbeeyay Al-shabaab ayaa guulo ka sheeganayay qaraxyada Iyo weerarada Tooska ah ee ay la eegtaan askarta Kofur galbeed iyo kuwa Militariga dowlada Itoopiya ee ka howlgala Somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here