Ciidamo La Wareegay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Iyo Bankiga Magaalada Qardho

0

Wararka ka imaanaya magaaalada qardho ee maamulka puntland ayaa ku waramaya in ciidamo gadoodsan ay la wareegeen xarunta wasaarada maaliyada iyo bandhiga ganacsiga magaaladaasi.

Ciidamo  katirsan maamulka puntland ayaa la sheegay iney la wareegeen xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Qardho, shaqaalaha xarumahaasi ay ku amrayeen inay dibada uga baxaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in Ciidanka Birmadka Puntland ay gabi ahaanba maamulayan xarumahaasi, kuwaa oo la sheegay iney ka gadoodeen mushaar la aan mudo heysatay, oo aysan madaxda maamulka puntland ka helin xaquuqahii ay ku lahayeen mudo bila ah.

Masuuliyiin katirsan wasaarada maaliyada maamulka Puntland ayaa la sheegay iney saraakiisha hogamineysa ciidamadaasi doonayan iney ku qanciyaan iney dib ugu laantaan xurumahoodi hore.

Waxaa sidoo kale magaalada qardho laga dareemayaa xiisad kacsanaan ah waxaa sidoo kale jirin gadiidkii iyo ganacsigii ka dhax shaqeyn jiray magalada gudaheeda, shacabkuna ay galeen guryahoda.

Waxii kusoo Kordha Askartaasi Gadoodsan Waan Idinla Soo Wadaagi Donaa WWW.SimbaNews.Com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here