Koofur Galbeed:- “Dagaal ka Dhacay Duleedka Afgooye Sarkaal Al-shabaab Ayaan Kuso Qabanay”

0

Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobalka shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay rag tirsan Al-shabaab iyo ciidamada xooga soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada Aaybuuteey oo u dhaw deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo la sheegay iney fariisimo ku lahayeen askar katirsan Al-shabaab.

Sarkaal katirsan ciidamada xooga gobalka shabeellaha hoose ayaa Idaacada Simba ayaa u sheegay in dagaalkii ka dhacay duleedka degmada Afgooye, lagu soo qabtay sarkaal katirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo sheikh abuukar oo aad looga garanayay tuulada Aaybuuteey ee duleedka degmada Afgooye.

Afayeenka koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacmo ayaa Radio Simba u xaqiijiyay qabashada sarkaalkaasi, waxuuna afayeenka intaa ku daray iney dib faah faahinta rasmiga soo saari doonaan.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Al-shabaab, oo ku aadan sarkaalkaan la sheegay inuu iyaga katirsanaa, laguna soo qabtay dagaal ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobalka shabeellaha hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here