Tababar Loo Soo Xiray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya “Sawirro”

0
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Tababarkaan oo mudo 90-cisho ah socday ayaa Ciidanka ka faa’ideystay oo gaarayay 130-askari,waxaana inta uu socday lagu barayay tababar la xiriira howlaha Waajibaadkooda ciidanimo iyo siday uga soo dhalaali karaan howlaha loo igmaday ciidamadaasi soo dhameystay tababarkaasi.

Goobta tababarka loogu soo xirayay Ciidamada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya,Taliyaha Ciidamada 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gaashaanle sare Cali Maxamed Ali afcadey,Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Generaal C/llaahi Cali Caanood iyo Saraakiil ciidan,kuwaasi oo dhamaantood ciidanka tababarka dhameystay munaasabada kala qeyb galay.

Ugu horeyn ayaa goobta waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada 60-aad ee Ururka ilaalada madaxtooyada Cali Maxamed Ali Afcadey,wuxuuna askarta tababarka dhameystay ku amaanay dadaalka ay muujiyeen.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo madasha ka hadlay ayaa Yiri” Waxaa naga go’an xoojinta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga dalka,Ururka Ciidanka ilaalada madaxtooyada waxaan gaarsiin doonaa heer aad u sareeya oo amaanka ay sugaan”

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xiray Tababarka ayaa bogaadiyay dhabarka adeega Ciidanka ay muujiyeen mudada tababarka uu socday,isagoona tababar kale goobta uga furay Ciidan kale oo ka tirsan Ururkaasi.

Ururka 60-aad ee Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ah Ciidan gaar ah ilaalinta madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ayaa lagu xusuustaa doorka ay ka qaateen socdaalkii Nabada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku tagay Maamulada Puntland iyo Galmudug,kuwaasi oo si weyn u sugayay amaanka Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxame C/llaahi Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here