Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar duqeymo loo adeegsaday lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobalkaasi.
Faah faahinadii ugu danbeeyay ee ku aadan duqeymahaasi ayaa ku waramay in askar katirsan Al-shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere, oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamo katirsan dowladda Itoopiya kuwooda ku sugan gudaha Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay iney maqlayeen Tiro Madaafiic ah oo lagu tuurayay dhanka garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere , inkastoo ay ka gaabsadeen khasaaraha ka dhashay.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi duqeymaha ee lagu qaaday ciidamada Itoopiya.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ee ku sugan aaga garoonka diyaaradaha baardheere ayaa beeniyay weerarkaasi lagu qaaday garoonka, lakin waxuu sheegay iney jiraan howlgalo askarta dowladda iyo kuwa Itoopiya ee halkaasi ka sameeyaan mar walba, waa sida hadalka uu u dhigay sarkaalkaasi Gedo ku sugan.
Wararkii ugu danbeeyay ee inaga soo garaya ayaa sheegaya iney xaalada iminka degan tahay, lakin ay jiraan dad losoo xir xiray weerarkaasi duqeymaha ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha Baardheere.

