Dowladda Itoopiya ayaa maanta xuriyadoodii dib u siisay maxaabiis gaareysa 1,500, kuwaa oo Itoopiya horey ugu eedeysay iney ka tirsanaayeen Jabhada ONLF ee ka dagaalanta dhulka soomaali galbeed.
Sababta sii deysamada maxaabiistan ayaa lagu sheegay in lagu dajiyo xiisadda kacsan ee ka dhax olaalsan qormiyadaha kala duwan oo ku dhaqan dalkaasi itoobiya.
Xabsiga lagu magacaabo (Jeel Ogaadeeniya) ayaa maanta laga sii daayay maxaabiistaasi ku eedeysanaa iney kamid yihiin Jabhada Xoreynta Dhulka Soomaali Galbeed ee Itoopiya ay maamusho.
Siideynta Maxaabiistaan ayaa lagu soo beegay xili Rai’sul wasaarahii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu xilkaasi iska casilay isbuuci aynu soo dhaafnay, waxeyna sido kale kusoo aadeysaa xili magaalada Nairobi ee dalka Kenya, uu wada hadal uga furmay dowlada Ethiopia iyo Jabhada Xoreynta Dhulka Soomaali Galbeed, inkasto wada hadaladaa la sheegay iney kusoo dhamaadeen is fahan la’aan.
Sido kale siideynta maxabiistaan ayaa waxey kusoo aadeysaa xili horey xabsiyada looga siidayay macalimiin dhigayay dugsiyo Quraan kuwaa oo cadadkooda lagu sheegay 66 macalin dugsi Qur’aan.





