Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka sameeyeen howlgalo qorsheysan oo la sheegay in laga gol lahaa raadinta ama daba galka xog ku aadan Xarakada Al-shabaab kuwooda ka dagaalamay gobalkaasi.
Dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in 6 ka-tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab in lagu dilay Howlgalo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Jubada Hoose, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay Hub iyo Minooyin miinooyin.sida warbaahinta ay u sheegeen saraakiil katirsan dowladda soomaaliya.
Ciidamada Xoogga ayaa la sheegay Howlgaladan ay kafuliyeen Degaanno ka tirsan Degmada Jamaame ee jubada Hoose waxaana ka mid ah Deegaanaas Baar-sanguuni, Araare, Wirkoy iyo Degaanno kale oo Ku Dhow Magalada Jamame ee gobalkaasi.
Deegaanka sanguuni oo howlgalkan xoogiisa ciidamada dowladda la sheegay iney ka fuliyeen ayaa waxey dowladda sheegtay in lagu dilay 6 ka tirsanaa Al-Shabaab sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Hub iyo Minooyin tira Badan oo ay oo ay isticmaalayeen xoogaga Al-shabaab.
Modooyinkiii danbe ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada gaarka ee mareykanka ayaa waday howlgalo qorsheysan oo dagaalamayaasha Al-shabaab looga saaray deegaano iyo degmooyin ay kaga sugnayeen Gobolka Jubada Hoose, waxuuna howlgalkaan dowladda ay sheegtay in lagu dilay ciidamo katirsan Al-shabaab, kusoo aadaya xili Shabaab-ka shalay ay sheegeen in dagaal ka dhacay gobalka jubbada-hoose ay ku dishay askari Mareykan ahaa iyo ciidamo kale oo Amisom katirsanaa.

