Inta laxaqiijiyay 3 macalin ayaa geeriyootay kadib markii Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen iskuul ku yaalo Waqooyi bari ee dalka Kenya manta oo jimco ah.
Sida ay booliska xaqiijiyeen Al-shabaab oo katirsan urur waynaha Al-Qaacida, ayaa gudaha u galay iskuulkan oo ku yaalo xaafadda Qarsa ee deegaanka wajeer oo 175 kilometer u jirto xuduuda Soomaaliya.
“Maxaqiijin karno, qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka lkn waxaan illaa iyo haatan ognahay ayaa ah in 3 macalin ay dhimatay halka 2 kalana uu dhaawac soo gaaray” ayuu yiri taliyaha boliska deegaanka.
Al-shabaab ayaa waxa ay ku aaseen miinooyin dhamaan wadooyinka laga soo galo iskuulka si ay u adkaato in si dhaqsi leh ku soo gaaraan kooxaha gurmadka dag daga ah ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyaha ciidamada booliska deeaaanka oo gudaha iskuulka kula hadlay warbaahinta dalkaasi.
Taliyaha booliska wajeer Mohamed Sheikh ayaa sheegay mar uu wareesi siinayay wargayska Daily nation in mid kamid ah gawaaridooda uu rogmaday, waxuu sheegay inuusan jirin khasaare ka dhashay.
Xaraka Al-shabaab ayaa inta badan weeraro lixaad leh waxa ay ku qadaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaanada waqooyi bari, taas oo ay inta badan jawaab kaga dhigaan in dowladda Kenya ay kala baxdo askarteeda ka jooga Somalaliya kuwaa oo kamid ah ciidamada nabad ilaalinta ee midowga afrika.

