Madaxweynaha Maxmadda Adduunka Oo Ka Hadlay Dacwadda Badda ee Soomaaliya Iyo Kenya

0
Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda Aduunka

Madaxweynaha dhawaanta loo doortay maxmadda caddaalada adduunka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwada la xiriirta muranka badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo dowladda Kenya.

Garsoore Cabdiqawi oo warbaahinta weeydiisay bal sida ay u saamaynayso dacwadda maadaamaa uu nin Soomaali ah madaxna ka ah maxmadda caddaalada adduunka ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka shaqo iskuma lahan, xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyinka yimaada oo idil uu xukun iyo go’aan ka gaaro , marka sidaasi daraadeed dacwad kasta xaakimadda waa ay ka qeybgalaan”. Ayuu yiri xaakim Cabdiqawi

Wuxuu intaa ku daray Madaxweynaha dhawaanta loo doortay maxmadda caddaalada adduunka

“mana ahan haddii xaakimkan waddankiisu dacwad keeno in uu dacwadaasi isaga ka boxo haddaysan jirin sabab gaar ah sida in uu isaga wax kasoo abaabulay dacwada lagu soo ooday wadanka kale”.

Garsoore Cabdiqawi oo ah qofkii Soomaali ah oo ugu horeeyay oo heerkaas ka gaaray nidaamka garsoorka adduunka ayaa sidoo kale sheegay in uu jecelyahay in aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu uga faa’iideeyo dalka Soomaaliya, haddii duruufaha u ogolaadaan.

Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka baxay jaamacaddii ummadda ee Soomaaliya, isaga oo noqday 10kii macalin ee ugu horeeyey ee loo tabobaray in ay bareyaal ka noqdaan jaamacadda, si ay u badalaan macalimiin talyaani ah oo jaamacadda dhigayay.

Mar uu ka hadlayay falcelinta ay dadka Soomaaliyeed ka sameeyeen magacaabistiisa xilka ugu sareeya ee maxkamadda adduunka ayuu sheegay in isaga kaliya aysan taas guul u ahayn, balse u tahay magaca Soomaaliyeed oo dhan sida hadalka uu u dhigay Madaxweynaha dhawaanta loo doortay maxmadda caddaalada adduunka

 

Xigasho BBC

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here