Shirka Arimaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Maanta ka Furmaya Baydhabo

0

 

Shir looga hadlayo Arimaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka Furmaya Magaalada Baydhabay xarunta Gobalka Baay, waxaana ka qeygalaya dhamaan Maamul Gobaleedyada Soomaaliya iyo Saraakiil Ajanabi ah.

Shirkaan ayaa waxaa maanta furaya Wasiirka amiga Koofur Galbeed  Xasan Eelaay iyo ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax, waxaana Diirada lagu saarayaa Wada qashaynta Ciidamada Booliska  Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobaleedyada.

Shirkaan Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Saraakiil ka socota Midowga Africa oo uu ugu horeeyo Dalka Itoobiya Sida ay noo xaqiijiyeen Taliska Booliska Koofur Galbeed oo shirka martig-galiyey.

Sii haya taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Mukhtaar ayaa xalay Kulmo la qaatay Saraakiisha laamaha Amniga Koofur Galbeed oo ay ka wada hadleen sidii Ciidamada Booliska ay uga qeygali lahaayeen Abaabulka Dagaal ee ka socda deegaana Koofur Galbeed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here