Faah-faahin: Qarax Lala Eegtay Ilaalada Shirkada Hormuud oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax miino oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa ilaalada shirkada isgaarsiinta hormuud oo marayay agagaarka deegaanka tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada kaxda ee gobalka banaadir Maxamed Ismaaciil Cabdulaah oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in qaraxaasi lala eegtay gaari ay wateen ilaalada shirkada hormuud, gudoomiyaha ayaana intaa ku daray inuu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ragii saarnaa gaariga qaraxa la kulmay.

Ilaa iminka majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay duleedka magaalada muqdisho, balse xiriiro idaacada Simba ay la sameysay Maamulka shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa noo suura galin.

Hoos ka Dhageyso wareysiga Gaarka uu Idaacada Simba Siiyay Gudoomiyaha degmada kaxda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here