Wararka naga soo gaaraya degmada buulabarde ee gobalka hiiraan ayaa ku waramaya in qarax qasaare geystay uu goordhaweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buul-Burte ee gobalka Hiiraan.
inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Jabuuti ayaa ku geeriyooday halka labo askari oo ah kuwa maamulka ayaa ku dhaawacmay qarax lagu farsameeyay qeyb kamid ah garoonka diyaaradaha degdegmada Buul-Burte ee gobolka hiiraan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa intaa ku dara in ciidamada Jabuuti iyo ilaalada garoonka ay ridayaan rasaas xoogan kuwaa oo sameynaya dhaq dhaqaaq xoogan, inkaso bahda saxaafadda gobalka aysan gaarin goobta, sido kale ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa gadiidka yaa ah mid uu hakad galay.
Waxii kusoo kordha Qaraxan isha ku hay WWW.SIMBANEWS.COM

