Dab wayn oo saqdii dhexe ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Mumbai ee dakka Hindiya ayaa dilay ugu yaraan 14 ruux, sid ay saraakiishu dalkaasi u sheegeen warbaahinta dowladaasi,.
Dabka ayaa ka kacay dhismaha caanka ah ee Kamala Mills waxuuna ka billowday dabaqa sare oo huteel iyo suuq laga dukaamaysto isugu jira, dabka ayaana dhibaato baaxad leh u gaystay dhismaha muddo 30 daqiiqadood ka yar, sida ay wararku qaar ay sheegayaan.
Lix ruux ayaa isbitaal la dhigay, sida warbaahinta u sheegeen waaxda masiibooyinka qaabilsan ee magaalada Mumbai ee dalka hindiya.
Dadka ay dhintay badankood waxay ahaayeen dumar ka qaybgalayay xalfad. Gabadh 28 jir ah oo u dabaaldagaysay dhalashadeeda ayaa ku dhimatay dabka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay awawgeed oo tagay goobta uu dabkaasi ka kacay.

