Dowladda Somaaliya oo La Wareegeysa Maamulka Hawada Iyo Ajaanib ka Howlgali Doonta “Sawirro”

0
qalabka koontaroolka hawada Somaaliya

Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cabdi raxmaan Kulmiye Xersi Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in maanta magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO hadana losoo wareejiyay magaalada muqdisho.

Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo ah Wasiirka Duulista iyo Hawada Somalia, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradaha ay dhib badan ku qabeen qalabka lagu maamulo hawada ee yaallay Nairobi maadaama uu ahaa mid duug ah,waxa uu dhankiisa ka qiray in maanta la qaban doono munaasabada lagu daahfuraayo Xarunta iyo qalabka koontaroolka diyaaradaha.

Wasiiru dowlada ayaa sheegay in talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna wax badan ka bedeli doontaa Dhaqaalaha Soomaaliya.

                     Halkaaan ka Daawo Sawiradda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here