Magaalo Dhan oo ku Taal Maraykanka oo uu Baraf Duugay

0
Baraf-ka Duugay Magaalada Erie ee Gobolka Pennsylvania ee Dalka Mareykanka

Laanta cimillada iyo saadaasha hawada Maraykanka ayaa ka digtay halista sii kordhaysa ee ka dhalanaysa baraf duugay magaalada Erie ee gobolka Pennsylvania ee dalkaasi.

Barafkan ayaa ka dhashay dabeylo xooggan oo ka dhacay magaaladaasi, waxaana la sheegay in barafka uu dhumuc ahaan dhanyahay 86cm.

Booliiska mareykanka ayaa dadka gaadiidka wata uga digay in waddooyinka magaaladaas ay halistooda badantahay, iyada oo qaarkoobda la xiray gabi ahaan.

Baraf dheeraad ah ayaa laga yaabaa in uu magaalada ku da’o sida ay laanta hawada saadaalisay.

Waa markii ugu horeysay oo baraf intan la’eg uu hal maalin da’o, markii ugu dambeeyaysay oo tan oo kale ah dhacday waxa ay ahayd sanadkii 1956-dii.

Guryo iyo gaadiid ayuu gabi ahaanba duugay barafka, iyada oo dadkii degenaa ay barafka iska qodeen si ay waddo u banaystaan.

Duulimaadyadii magaalada tagi jiray ayaa sidoo kale gabi ahaanba la hakiyay, waxaana socdo gurmadyo kala gedisan oo ay sameynayaan dadka u dhashay magaaladaasi iyo ciidamada bad baadinta musiiboyinka.

Baraf-ka Duugay Magaalada Erie ee Gobolka Pennsylvania ee Dalka Mareykanka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here