Kulan maanta lagu waday in lagu ansixiyo Golaha wasiiradda maamulka Hir-shabeelle oo ka dhici lahaa magaaladdda jowhar ayaa baaqday.
Guddoonka baarlamaanka hirshabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in kooram la’aan uu u baaqday kulankii deg dega ahaa ee maanta ku yeelan lahaayeen xildhibaanada hirshabeelle magaalada jowhar.
44 mudane ayaa kulanka soo xaadirtay waxaana kooramka uu ku furmi lahaa 51 xildhibaan sida uu sheegay guddoomiyaha baarlaamanka Maamulka Hir-shabeelle.

