Maamulka iyo Shacabka Degmada B/Xaawo Oo Go’an ka Qaatay Dhul-balaarsiga Kenya ay Wado + Dhageyso

0
Ciidamadda Meletariga Dowladda Kenya

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada balad-xaawo ee gobalka gedo ay ka dhacayeen dhibad baxyo rabshada wata oo ay shacabka magaaladaasi kaga soo horjeedeen bur burinta ciidamada dowladda kenya ay ka wadeen balad-xaawo kuwa oo la sheegay iney doonayaan iney ku darsadaan darbiga ay ka dhisayaan xuduuda Somaliya iyo kenya ay wadaagaan.

Dhanka kale waxaa maanta magaalada balad-xaawo kulamo ku yeeshay shacabka iyo odayaasha dhaqanka oo isku dhinac ah iyo xubno katirsan maamulka Balad-xaawo, kuwaa oo ka wada hadlay arinta bur burinta ciidamada kenya ee halkaasi ka wadaan, iyo sidii ay iskugu duubmi lahayeen maamulka degmada baladxaawo iyo shacabaka ku dhaqan magaalada.

Nabadoon idiris aadan oo kamid ah nabadoonada gobalka gedo oo la hadlay Idaacada Simba ayaa faah faahin ka bixiyay kulamada ay shacabka iyo maamulka wada yeesheen, waxuuna intaasi ku daray in ciidamada kenya ay joojiyeen bur-burintii ay ka wadeen M- balad-xaawo.

Dhanka kale Nabadoon idiris ayaa sheegay in wafdi uu hogaaminaayo wasiirka amniga jubaland C/rashiid Janan ay maanta gareen magalada Doolow, ayna kusoo wajahan yihiin magalaadda Balad-xaawo ee Gobalka Gedo, halkaa oo maal mahii danbe ay ka jireen isku dhacyo xoogan oo  dhaxeeyay ciidamada meletariga dowladda kenya iyo shacab-ka ku dhaqan Magaaladaasi.

Waxaa maal mahii ugu danbeyay ciidamada dowladda kenya ay ka wadeen Magaaladda Balad-xaawo dhaq dhaqaaq ciidan oo la sheegay iney bur burin ka wadeen xaafado katirsan Magaaladda Balad-xaawo, kuwaa oo shacabka ay sheegeen iney sameynayeen dhul calaamadeysi ay ku doonayaan iney ku darsadaan darbiga ay ka dhisayaan xuduuda labada dowladood Somaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Dhageyso Codka:- Nabadoon Idiris Aadan oo kamid ah Nabadoonada Gobalka Gedo

120104_013

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here