Madaxweynaha Dowlada goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa dadaal ugu jiraa sidii xildibaanada baarlamaanka maamulkaasi ay codka kalsooni ah u siin lahaayeen Golihii Wasiirada uu dhawaatan soo dhisay.
Madaxweyne Waare oo gelinkii dambe ee shalaya dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka SHableeada Dhexe ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey mudanayaal katirsan maamulka Hirshabeele,kuwaasi oo kulamo la yeeshey madaxweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu kala hadlayo xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele sidii codka kalsoonida ah u siin lahaayeen Golihiisa Wasiirada si loo dar dargeliyo howlaha horyaala.
Mudadii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo howlo shaqo u jooga caasimadda ayaa waxaa uu kulamo la qaadanayay xildhibaanada baarlamaanka labada gole kuwaasi oo laga soo doortay Hirshabeele iyo madaxda dowladda Soomaaliya,isagoo kala hadlayay arrimo ay kamid yihiin horumarinta deegaanada uu maamulka katalinayo.
Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele ayaa ku maqan fasaxooda,iyadoo markii ay soo laabtaan lafilayo in ay sii amba qaadaan ka doodista ajandayaasha horyaala oo kamid ah meel marinta Wasiirada cusub.

