Dhageyso:- C/raxmaan C/shakuur oo Si Kulul uga Hadlay Xerigii Lagula Kacay iyo Xasuuqii Ilaaladiisa

0

Siyaasiga mucaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur oo ay maanta oo khamiis ah maxkamada sare ee gobalka banaadir ay sheegtay in aan lagu heyn wax cadeyn ah oo ku aadan inuu yahay qaran dumis ama inuu dowladda carbeyd lacag kaga soo qaatay duminta dowlada uu madaxweynaha ka yahay farmaajo.

Dhanka kale C/raxmaan C/shakuur ayaa marka hore mahad naq balaaran u jeediyay Wasiiro, Xildhibaanno, Duubab, iyo Odayaashii ka shaqeeyay inuu dib u helo xuriyadiisa madax banaaneyd.

C/raxmaan ayaa waxuu sheegay in cadaalada ay guuleysatay, waxuuna intaa ku daray weerarkii lagu qaaday in lagu dilay ilaaladiisa, laguna burburiyay hanta uu lahaa , wuxuuna tilmaamay in Dacwadda qeybteeda hore ay dhamaatay, wixii hada ka dambeeyana ay furmi doonto qeybteeda labaad.

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur warsame ayaa baaq u diray madaxda dalka waxuuna sheegay in laga gudbay xilligii qori dalka lagu maquurinayay, xilligii dalka uu dib uga laaba lahana an la joogin.

Waxuu sido kale baaq u diray  labada Guddoon ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare in ay sharciga la tiigsadaan cid walba oo sharciga iskala weynaata una isticmaasha awood takri faleed.

 

Halkaan ka dhageyso codka Siyaasi C/raxmaan C/shakuur

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here