Ciidamada booliska dalka Kenya oo howlgal baaritaano ah ka fuliyay school islaami ah ah oo dhaca magaalada Mombasa ayaa waxa ay xabsiga u taxaaben labo kamid ah macalimoonitii dugsiga iyo 100 kamid ah caruurta xaruntaasi wax kabarata .
Howlgalka ay ciidmaada booliiska dalka Kenya waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid ka dhan ah argagixisada iyagoo tilmaamay in in hay’ado ajaanibah ay ku lug leeyihiin xaruntaasi waxbarasho.
Schoolka ciidamada booliiska weerarka ku qaadeen oo dhaca koofurta deegaanka Likoni ee ka tirsan magoolo xeebeedka Mombasa ayaaa waxa ay ku sheegeen in ay aheyd xarun kooxaha argagixsada fikardo qaldan ugu gubdiyaan dhalinayarda iyo caruurta wax kabarata, waxaana howlgalkan uu kor u qaadi karaa xasardo ku salesan diimaha oo ka dhaca dalka Kenya maadaama badi kenyatigu yihiin Cristamiin.
Sheikh Hassan Omar oo ah sarkaal katirsan culumaada muslimiinta ah ee dalka Kenya oo la hadlay wakalaada wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in howlgalkan uu aha mid sharci darro ah iyadoona ay fuliyeen ciidamo ajaanib iyo booliiska Kenya xili ardaydu ay hurdayeen.
Waxaana uu sheegay Shiika in la weydiiyay shahaadooyinka caruurta, dhalashadooda iyo ducumentiyo ku saabsan aqoonsigooda ka hor inta aysan ka xeysan macalimiintii schoolkasi dhigayay, mana cada sababta rasmiga ah ee howlgalkani loo sameeyay.

