Dhageyso:-‘ Gudoomiye Jeyte Looma Dul-Qaadan Doono Iney Al-shabaab Isku Fidiyaan Gobalka Hiiraan

0
Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte cismaan

Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte cismaan ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in Xoogaga Xarakada Al-shabaab  ay isku balaariyaan deegano ka tirsan gobolkaasi.

Cali jeyte cismaan ayaa dowlada Federaalka,Maamulka Hirshabeelle iyo shacabka Somaliyeed ka codsaday inay ka qeyb qaatan sidii looga hortagi laha in Al shabaab ay ku fidan deegano hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan islamarkana la bilaabo dagaal wada jir ah oo ka dhan ah Al shabaab waa sida uu hadalka u dhigay

Gudoomiye Jeyte ayaa sido kale sheegay in meelaha ugu badan ee Dagaal-yahanada Al-shabaab ay isku balaarinayaan ay ka mid yihiin bariga gobolka Hiiraan islamarkana ay qorsheynayaan inay go,doomiyaan Magalaada Maxaas ee Gobolka, balse aan loo dulqaadan doonin islamarkana wax laga qaban doono Meelo badan oo Gobolka Hiiraan katirsan waxaa fariisimo ku leh dagaalyahano katirsan Xarakada Al-shabaab.

Halkan ka Dhageyso:- Codka Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte cismaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here