Dhageyso:- Maamulka Mahadaay oo Faah Faahin ka Bixiyay Weerar Qasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Degmadaasi

0

Maamulka degmada mahadaay ee gobalka shabeelaha dhaxe ayaa faah faahin ka bixiyay weerar Xoogag katirsan Al-shabaab ay kuso qaadeen Ciidamo katirsan kuwa dowlada oo ku sugnaa degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Cabdullaahi Max’med Xuseen Geeldoox oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay weerar dagaal-yahano katirsan Xarakada Al-shabaab ay kusoo qadeen degmada mahadaay, waxuuna sheegay Rag katirsan Al-shabaab iney gudaha degmada lasoo galeen gaari halkaasina ay ku dileen askari katirsan Ciidamada oo ku sugna suuqa xoolaha ee degmada Mahadaay ee Gobalka shabeelaha dhaxe, sida uu yiri gudoomiyaha.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegatay Ma’uuliyada weerarkaasi waxeyna sheegeen iney ku dileen hal askari kana qaateen qori iyo boosh uu watay, sida ay ku daabaceen web-yadooda xaga internetka.

Halkaan ka Dhageyso Wareysiga uu siiyay Simba Radio Guddoomiyaha degmada Geeldoox

radio simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here