Dowladda Somaaliya oo Ka Jawaabtay Go’aankii Mareykanka uu Ku Joojiyay Lacagahii uu Siin Jiray Ciidamada Xoogga

0
Sawirka:- Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Ali Xagaa ayaa ka dalbaday Mareykanka in la kordhiyo taageerada uu u fidiyo Soomaaliya iyo weerarada xagga cirka ee looga horjeedo Dagaal-yahanada Xarakada Al-shabaab.

Wasiiru dowlaha ayaa waxa uu tilmaamay in taageerada Mareykanka ay qeyb libaax ka qaadan karto dadaalka looga saarayo Xoogaga Al-shabaab ,isla markaana howlgalada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Dronska ay yihiin kuwo muhiim u ah  habka wax ku oolka ah ee taageerada.

Maxamed Cali  ayaa xusay in haddii aan la helin taageerada Mareykanka ay ka dhigan tahay mid saacideysa in Soomaaliya aysan  ku istaagin cagaheeda,  isla markaana ay dabcineyso waxqabadka dowladda ee xagga la dagaalanka Al-qaacidada Somaaliya ee Al-shabaab

Hadalka Wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli dowladda Mareykanka ay sheegeen in ay hakiyeen taageerada dhinaca raashinka,shidaalka iyo lacagihii gunada ee ay bixin jireen sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here