Madaxweynaha Peru oo Lagu Cadaadinayo in uu is Casilo

0

Madaxweynaha Peru, Pedro Pablo Kuczynski, ayaa wajahaya caddaadis isa soo taraya oo ku aadan in uu isu casilo eedaymo musuqmaasuq oo la xiriira shirkadda dhismaha Odebrecht oo Brazil laga leeyahay.

Waxaa lagu soo warramayaa in Kuczynski uu lumiyay taageeradii uu ka haystay xubnaha ugu cadcad golahiisa wasiirrada.

Fadeexadan wayn ayaa sheegaysa in shirkadda Odebrecht ay Kuczynski siisay shan milyan oo doolar markii uu ahaa wasiirka dhaqaalaha iyo madaxii arrimaha golaha wasiirrada. Wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Maraykanka ayaa sannadkii hore shirkadda Odebrecht ku ganaaxay 3.5 bilyan oo doolar isagoo ku eedeeyay in ay laaluushtay masuuliyiin dalal kala duwan.

Xeeladaha ay shirkaddu adeegsatay waxaa ka mid ahaa in ay masuuliyiinta lacagaha u sii mariso waddooyin ay ugu magac dartay “kharashaatka la talinta”, sida ku qoran dacwadda ka dhanka ah shirkadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here