Ciidanka Maamulka Gobalada Dhexe ayaa maanta la Wareegay gacan ku heynta Deegaano hor leh oo Al-shabaab ay Maamuli jireen oo ka tirsan Gobalka Galgaduud ka dib duulaan ay maanta ku qaateen deegaano hoostaga Magaalada Guri-ceel.
Gudoomiyaha Magaalada Guri-ceel ee Gobalka Galgaduud, Cabdulaahi Maxamed Barre oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Xaqiijiyey in Ciidanka Maamulka Gobalada Dhexe ay la Wareegeen Deegaano Dhowr ah oo ay Al-shabaab ay Maalmihii danbe ay Dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen.

