Dhageyso:-Booliska Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigay Haweeney Caruur Ka Afduubatay Cadaado

0

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa Xabsiga Dhigay Haweeney lagu eedeeyey inay Cunug yar ka Afduubatay Gudaha Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud .

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado,Cumar Macalin Cali oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in ay Duleedka Cadaado ku soo Qabteen Haweeneydaan oo  Wiil da’yar ka Qafaalatay  Gudaha Magaalada ka dib War-bixin Boolisku ay ka Haleen Dadka Deegaanka.

Taliye ku Xigeenka oo ka gaabsaday in Xuso Magaca Haweeneyda ay Booliska Xabsiga Dhigeen ayaa Sheegay inay baaritaan ku hayaan Sababtay ay u Afduubatay Cunugaan yar oo ay doonaysay inay gaari uga qaado Duleedka Cadaado waxa uuna Xusay ilaa hada Cadeymaha ay hayaan ay yihiin kuma Muujinayaan inay soo Xaday ilmahaan islamarkaana ay doonaysay inay ula baxsato Dhanka Magaalada Baladweyne.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here