Wiilal Walaala Ah Oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Wadanka Koonfur Afrika + Sawirro

0

Waxaa faafahino dheeraad ay ka soo baxayaan weerar qasaare geystay oo lagu qaaday Dukaan ay ku ganacsanayeen muwaadiniin soomaaliyeed.

Koox burcad koonfur afrikaan ayaa weerar waxa ay ku qaadaan goob ganacsi oo ku taala duleedka Magaalada Johansbug, waxana halkaasi ay ku dileen  Cumar  salaad xaashi waxana sidoo kale ay dhaawaceen Liibaan salaad xaashi oo lababadoodaba ah soomaali ku ganacsaneysay dukaanka la weeraray.

Weerarka oo si gaar ah ka kaga dhacay Deegaanka voslooris waxaa halkaasi laga soo qaaday marxuumka dhintay iyo dhaawaca Liibaan salaad xaashi oo iminka lagu daweynayo isbitaal kuyaala Magaalada Johansbug.

Waxaa mudooyinki la soo dhaafay sii kordhayay weerarada kooxaha burcad koonfur afrikaanka ay ku qaadayaan goobaha ganacsi ay muwaadiniinta soomaaliyeed ku leeyihiin gudaha wadankaasi.

 

  Cumar  salaad xaashi oo ah sawirka ugu sareeyo sawirrada hoos kaga muuqda waa wiilka geeriyooday

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here