Faafaahino dheeraad Ah oo Ka Soo baxaya Dagaal ka Dhacay Gobolka Bay

0

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Buurhakaba ee Gobolka bay ayaa ku waramaya in saakay ay xaalada degen tahay.

Dagaalki shaley ka dhacay duleedka degmada buurhakaba oo u dhaxeeyay ciidamada koofur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab waxa uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaracay dhinacyadi dagaalamay.

Dagaalka waxaa ku dhaawacmay gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada Maamulka degmada buurhakaba sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka koofur Galbeed.

Al-shabaab war ay soo saareen waxa ay ku sheegteen in dagaalki ka dhacay duleedka degmada buurhakaba ay ku dileen Taliyihii ciidamada koofur Galbeed ee hogaaminayay dagaalki ka dhacay duleedka buurhakaba waxana al shabab magaciisa ay ku sheegeen sarkaalka ay dileen “Kaarabiin”.

Maamulka koofur Galbeed weli ma uusan ka hadlin qasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay duleedka degmada buurhakaba ee Gobolka bay, shabaabna ay Guulo ka sheegteen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here