Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay muwaadiniin dalkaasi u dhashay kuwaa oo doonayay in ay ka soo gudbaan xadka Kenya soona gaaraan gudaha dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan dagaalyahanada Al shabaab.
Muwaadiniintaan kenyaatiga ah ayaa lagu kala magacaabaa Malhassan Hussein iyo Anthony Mwangi Maina waxaana ciidamada Kenya ay ku qabteen magaalada xeebta ah ee Mombasa xili ay doonayeen in xadka Soomaaliya ay u soo talaabaan waxaana booliiska ay sheegeen raggan in horay loogu xiriirinayay falal argagixsinimo kuwaa oo fadhigoodu ahaa gudaha dalka Kenya.
Malhassan ayaa looga shakisanyahay dagaalyahada ISIL waxaana xabsiga la dhigay sanadii 2015-kii xili uu ku sugnaa buuraha keymaha ah ee Boni.
Ciidamada Magaalo xeebeedka Mombasa ayaa warbaahinta u sheegay in qaar kamid ah saaxiibada dagaalyahanadaan in ay horay xabsiga u dhigeen kuwaa oo doonayay in Xarakada Al shabaab ee Soomaaliya ka dagalanta kamid noqdaan.

