Maamulka dagmada Walaweyn ee Gobolka habeelaha hoose ayaa waxa ay ka hadleen weerar loo adeegsaday bombo nuuca gacanta laga tuuro ah oo rag katirsan xarakada al shabaab ay maanta ku qaadeen saldhiga dagmadaasi
Wexeyna sheegeen in aysan jirin wax qasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi islamarkaasina ay hada ku raad joogaan kooxohii fuliyay oo goobta isaga baxsaday.
Guddoomiye Kuxigeenka Dagmada Wala weeyn Maxamed Koosto oo la hadlay idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa beeniyay in sadex askari oo katirsan ciidamadii saldhiga ku sugnaa ay halkaasi ku dhaawacmeen
Wuxuuna sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi gaabayo kooxihii weerarkaasi ka dambeeyay isagoona intaasi ku daray in sidoo kale howlgalada lagu baacsanayo rag Al-Shabaab katirsan oo ay ka war heleen in ay ku sugan yihiin gudaha dagmada wala weeyn.
Hadalka Guddoomiyaha ku Xegeenka ayaa kusoo beegmaya xilli xarakada Al-shabaab ay sheegeen in weerarkaasi ay dhaawac halis ah ku gaarsiiyeen sadex askari oo katirsan ciidankii halkaasi ku sugnaa wexeyna sheegeen in ragii howlgalka fuliyay ee iyaga katirsanaa ay goobta ka baxsadeen iyaga oo badqaba.

