Al-shabaab Oo sheegtay In Jubbaland ay kala Wareegeen Saldhig Ciidan

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Saldhig duleedka kaga beegan degamada Dhoobley ee gobalka Jubbada hoose, halkaasi oo ay ku sugnayeen Ciidamo katirsan kuwa dowlada Somaaliya.

Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho oo la xiriirtay Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay in duleedka Magaalada Dhoobley uu ka dhacay weerar culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen habka nuucyadiisa kala duwan, balse aysan Xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ee labada dhinac soo gaaray.

warbaahinta Taageerta Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadooda Millatariga ay la wareegeen Saldhig Ciidamada Jubaland ay kaga sugnayeen degamada Dhoobley ee gobalka Jubbada hoose. halkaasina oo ay sheegeen iney howlgalayaan Ciidamadooda.

majirto wali wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada hoose oo ku aadan qabsashada Al-shabaab ee Saldhig Ciidamada Jubaland ay kaga sugnayeen deleedka degamada Dhoobley ee gobalka Jubbada hoose.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku xoogan Gobalada Jubbooyinka oo ay ka maamulaan degmooyin iyo deegaano katirsan Gobalkaasi, waxeyna weeraro iyo qaraxyo kaga soo qadaan Ciidamada Qalabka sida iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here