Dowlada Yugaandha Oo Ciidamo Hor leh Usoo Direysa Soomaaliya

0

Dowladda Yugaandha ayaa sheegtay iney diyaarisay 5,000 oo Ciidamo ah, kuwaas oo ka qayb qaadan doona howlgalka lagula dagaallamayo Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Afhayeenka Ciidanka xoogga ee Dalka Yugaandha Janaraal; Richard Karemire ayaa sheegay inay dowladdoodu direyso xoogag hor leh balse ay beesha caalamku kaga baahan yihiin taageero.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, isagoo safarro ku tagay Dalalka ay Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ka joogaan Soomaaliya si loo dardar geliyo howlgalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here