Koox Hubeysan ayaa goordhaweyd Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku dilay Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow Degaanka Sarkuus.
Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho waxeyna Ragga hubeysan askariga ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay inuu Goobta ku geeriyoodo.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dilkan, waxa ayna sheegeen in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ay ku dileen Askari katirsan ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya.
Hayeeshee weli Laamaha Ammaanka kama hadlin Dilka maanta loo geystay askari katirsan Ciidamada Dowlada Somaalia oo ku sugnaaTabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho

