Qarax Lala Eegtay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya Oo ka Dhacay Muqdisho

0

wararka aynu heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxaa qaraxa lala eegtay xili ay marayeen meel ku dhaw Warshada Caafiga ee laamiga warshadaha ee Magaalada Muqdisho. balse aan la cadeyn karin qasaaraha soo gaaray Ciidamada Qaraxa lala eegtay.

Qof ka mid ah dadka ku nool halkaaso ayaa idaacada Simba u xaqiijiyay in ciidamadu ay wateen sadax gaari oo ah kuwa dagaalka , isla markaana qaraxa nooca miinada dhulka lagu aaso ah loo dhigay gaarigaa. balse aysan Xaqiiji karin qasaaraha soo gaaray Ciidamada dowlada ee qaraxa lala eegtay.

qaraxan goor dhaweyd lala eegtay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaan jirin cid sheegatay mas.uuliyadiisa, balse xiriiro ay idaacada simba ee magaalada muqdisho la sameysay saraakiisha Ciidamada ayaa ka jawaabin taleefanadoooda.

waxii kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here