Puntland oo Ka Hadashay Askari Xabado Kaga Dhuftay Xubinta Taranka Gabar+Dhageyso

0

Maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyay eedeen loo jeediyay oo ku aadan in askari ka Tirsan Ciidamada Badda Maamulkaas in uu kufsi ku dayay Faa’iso Cabdi Xaye oo ah gabadh 15 sanno jir ah, markii ay ka diidana uu xabado kaga dhuftay  qaybta Hoose ee jirka iyo xubinta taranka.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa beeniyay in Askari ka Tirsan Ciidanka Badda ee Puntland uu Ka danbeeyay Fal lagu dhaawacay Gabar Dhalinyaro ah 27-kii Bishii Hore, Kadib Markii uu isku dayay inuu Kufsado Gabdhaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha in falkaan uu ka dhacay magaaldda  Boosaaso ee Gobolka bari balse uusan geysaninin Cabdiqaadir Warsame Ahmed (Sanka) oo ka Tirsan Ciidamada Badda Maamulka Puntland.

Ehelada Faa’iso Cabdi Xaye oo ah gabadh 15 sanno jir ah ayaa sheegay in gabadhooda uu nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Warsame Ahmed (Sanka), oo ka tirsan  Ciidamada Puntland 27-kii October 2017 uu isku da’yay in uu ku kufsado magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari oo aan ahayn deegaanka rasmiga ah ee Faaiso,kadib isku day difaac nafteeda ah oo ay samaysay Faa,iso Cabdiqaadir wuxuu xubinta taranka kaga dhuftay bastoolad sababtay dhaawac xun oo Faa’isa ka soo gaaray qaybta Hoose ee jirka iyo xubinta taranka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here